Waxan soo tijaabiyay saliid aad iyo aad ii deeqday oo aan aad uga faa'iiday.
Maxay ka koobantahay?
?Saliid seytuun (hal galaas)
?Xulbo budo ah (ayadoona budo aheyn waa isticmaali kartaa). (biyaha laba koob)
?Dhega yare (5 qaaddo)
?Biyo caadi ah(laba koob)
?️
Marka hore xulbada ayaa biyaha ku dareysaa kadibna koob saliid ah ayaa dabka la saaraysaa.
?️
Markey biyiha dhamaadaan oo saliidda ay kor soo wada marto ayaa dabka ka dejineysaa weelka.
?️
Saliidda ayaa dhalo ku miireysaa xulbadana korka ayan marsaneysaa.
?️
Dhagayaraha ayaa soo shiideysaa kadibna isagoo budo ah ayaa saliidda kor uga dareysaa oo meel baad dhigeysaa inta ay ka qaboobeyso.
?️
Saliidda madow beey noqoneysaa kadibna timaha ayaa marsaneysaa maalin kasto, xiligaa rabtana waa ka dhaqi kartaa lkn waxaa fiican laba maalin kadib inaa dhaqdo.
?️
Tinta furfur iyo jileec ayey noqoneysaa weyna dheeraaneysaa madowna wey ka dhigeysaa
?